Madaxweyne Cali Guudlaawe oo walaac ka muujiyay fatahaadaha wabigga Shabeele.

0
253

Cali Guudlaawe Xuseen madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hir-Shabeelle ayaa walaac xoogan ka muujiyay fatahaadaha xoogan ee uu ka sameeyay deegaano hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle xilli uu booqday goobaha uu ku fatahay wabigga.

Mudan Cali Guudlaawe ayaa sheegay in laba Buq(kanaal) oo waa weyn ay waxyeeleeysay sanadkaan Tuulooyinka hoostaga Magalada Jowhar oo Wabiga uu ka fatahay, kuwaas oo ku kala yaal Tuulooyinka Baareey & Mayoko.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray in fatahaada Wabiga Shabeelle uu babi’iyay dalagyo farabadan, saameyna ku yeeshay 25 tuulo oo kamid ah tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Cali Guudlaawe Xuseen madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hir-Shabeelle ayaa Ugu dambeyn sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaad horleh uu ka sameeynayo degaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, sida degmada Balcad iyo degaano kale, isaga oo ku baqay in laga qeyb qaato u gurmashada dadka ku barakacay fatahaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here