Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

0
244

Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in maanta oo Talaado ah uu Golaha Ammaanka kulan gaar ah ka yeelan doona xaaladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa kulanka ay ka yeelanayaan xaaladda dalka kaga hadli doona arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadannimada.

Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka waxaa warbixinno ku saabsan xaaladda dalka jeedin doona wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, James Swan.

James Swan ayaa khudbadiisa diirada ku saari doona dadaallada kala duwan ee socda ee xalka loogu doonayo khilaafka hareeyay qabsoomidda doorashooyinka dalka iyo shirka madaxda Soomaalida uga socda Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kulanka waxaa khudbad ka jeedin doona madaxa hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM, Francisco Madeira, oo uu shirku ka dhagaysan doono warbixin la xiriirta ciidamada AMISOM iyo hawlgalada ay fuliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here