Ruushka oo dawladda Turkiga uga digay taageerada ay u fidinayso Ukraine

0
75

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa dawladda Turkiga uga digay in ay sii huriso waxa uu ku tilmaamay damaca military ee dawladda Ukraine kadib markii ay xukuumadda Ankara qaadday talaabooyin ay ku xoojinayso wadashaqaynta ciidan ee ay la leedahay maamulka Kyiv.

Hadalka uu Lavrov yidhi xilli uu warbaahinta la hadlayay maalinnimadii Isniinta ahayd ayaa imanaya iyada oo uu madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu bishii April ee tagtay ballan qaaday in dalkiisu uu taageeri doono shacabka iyo dawladda Ukraine xilli ay aad u sii kordhayso tirade ciidamada Ruushka ee ay Moscow ku soo daabulayso xadka ay labada dal wadaagaan.

Erdogan ayaa xilligaa sheegay in xukuumadiisa oo xubin ka ah is bahaysiga NATO iyo Ukraine ay billaabeen wada shaqayn xog-is-dhaafsi iyo ah oo u dhaxaysa wasaaradaha arrimaha dibadda iyo difaaca labada dal isaga oo intaa ku daray in tallaabadan aysan ahayn mid lagu wax yeellaynayo dal kale.

“Waxaan aad ugula talinaynaa dhiggeena Turkida ah in ay si taxaddar leh u gorfeeyaan xaaladda joojiyaanna sii hurinta damaca military ee Kyiv,” ayuu yudhi wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, xilli uu waraysi siinayay wargayska Argumenty i Fakty ee dalkaas Ruushka.

Lavrov ayaa hadalkiisa ku daray in ku dhiiri galinta Ukraine in ay tallabooyin military ka qaado gobolka Crimea ee uu Ruushku ka goostay ay tahay xadgub ka dhan ah madax banaanida iyo dhulalka Ruushka.

“Waxaan rajaynaynaa in Ankara ay ka laaban doonto go’aankeedan iyada oo tix galinaysa walaaceenan xaqiiqda ku salaysan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka.

Turkiga ayaa kamid ahaa dalalka dallada NATO ee sanaddii 2014ka cambaareeyay tallaabadii uu Ruushku ku goostay gobolka Crimea ee dalka Ukraine isla markaana taageero u muujisay xukuumadda Kyiv xilli ay dagaal kula jirtay kooxo fallaago ah oo ay taageeraysay dawladda Ruushka.

Dawladda Turkiga oo Ruushka iyo Ukraine ay u dhaxayso Badda Madoow oo kaga began Wuqooyiga ayaa sanadii 2019ka Ukraine ka iibisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaanno.

Dhinaca kalena xukuumadda Ankara waxay xidhiidh dhaw la leedahay dawladda Ruushka oo ay ka wada shaqeeyeen colaadihii dalalka Suuriya, Liibiya iyo gobolka Nagorno-Karabakh iyo sidoo kale waaxaha tamarta iyo amniga.

Xidhiidhka ay xukuumadda Moscow la leedahay dalalka reer galbeedka ayaa gaadhay heerkii u xumaa tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ee dunida kadib markii uu Ruushku awood military ku goostay gobolka Crimea ee dalka Ukraine taas oo sababtay in Maraykanka iyo dalalka reer galbeed ay tiro cunaqabataynno ah ku soo rogto xukuumadda Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here