Wabiga Shabeelle oo fatahaado ka sameeyay Baladwayn

0
156

Wabiga Shabeelle ayaa habeynimadii xalay ahayd ku fatahay xaafado ka tirsan Magaalada Baladwayn ee xarunta Gobolka Hiiran.

Wariayaha Jubbaland TV ee magaalada Baladwayn Cabdisamad Cilmi Cabdi oo tagay xaafadaha uu wabiga ku fatahay ayaa xaqiijiyay in aysan jirin waxyeello balaadhan oo hantiyeed iyo mid nafeed toona oo ka dhashay biyahan xaafadda Dhagax Jabiska ku soo fatahay xalay.

Shacab badan oo xaafaddan ku noolaa ayaa la arkayay iyaga oo isaga qaxaya xaafadda oo u hayaamay duleedka magaalada iyo xaafado kale oo magaalada ka tirsan si ay uga baaqsadaan waxyeellada fatahaaddan.

Qaar badan oo kamid ah shacabka ku dhaqan xaafaddan ayaa Jubbaland TV u xaqiijiyay in ay qorshaynayaan in ay guryahooda isaga baxaan una qaxaan goobo ay biuaha wabiga kaga nabad galayaan iyaga oo ka cabsi qaba in ay biyaha xaafadda ku soo jabay iyo waxyeellada ay gaysanayaanba ay isa soo tarto.

Xubnaha Guddiga ka hor tagga fatahaadaha Hirshabeelle ayaa gaaray xaafadda si ay qiimayn ugu sameeyaan inta ay dhantahay waxyeellada ka dhalatay fatahaaddan.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegay in fatahaaddan ay timid kadib markii ay dad aan haybtooda la xaqiijin ay biyahan ku soo fureen xaafadda iyaga oo dumiyay biyo xidheenno loo dhisay in biyaha wabiga soo buux dhaafiya xilliyada roobabka lagaga joojiyo in ay xaafadaha magaalda soo galaan.

Wabiga Shebeelle ayaa isbuucyadii ina soo dhaafay fatahaado ka sameeyay magaalooyin kala duwan oo wabiga ku teedsan kadib roobabkii guga eek a da’ay qaybo badan oo Koonfurta dalka kamid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here