Madaxwayne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland oo Kismaayo kaga qayb galay xuska munaasabadda 1da Luulyo

0
86

Madaxwayen ku xigeenka 2aad ee Dawladda Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa fiidnimadii xalay ahayd madaxtooyada Jubbaland kaga qayb galay munaasabadda xuska iyo u dabaal dagga sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay xorowgii gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo midowga gobollada wuqooyiga iyo koonfurta dalkeena.

Munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen wasiirro, xildhibaanno, ururrada bulshada rayidka ah iyo qayaha kala duwan ee shacabka Jubbaland oo si wayn loo soo agaasimay ayaa ilaa saqdii dhexe ee xalay ka socotay gudaha madaxtooyada Jubbaland.

Madaxda kala duwan ee munaasabadda ka so qayb galay ayaa shacabkii goob oogga ahaa khudbado dhinacyo badan taabanaya uga jeediyay goobta iyada oo dhammaan madaxdii madasha ka hadashay carrabka ku adkeeyeen muhimmada ay leeyihiin nabadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayen ku xigeenka 2aad ee Dawladda Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa shacabka Jubbaland ku boorriyay in ay ilaaliyaan midnimadooda oo ah waxa lagu yagleeyay qaranka Soomaaliyeed laguna ilaalin karo jiritaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here