Dawladda Qatar oo war ka soo saartay qaraxii uu ka badbaaday taliyaha booliska G/Banaadir

0
157

Dawladda Qatar ayaa cambaaraysay Qarixii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Kolonyo uu la socday Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir Farxaan Qaroole ee ka dhacay agagaarka Isbitaalka Banaadir.

War qoraaleed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar ayaa lagu cadeeyay in Dowladda Qatar ay dhaleecaynayso Rabshadaha iyo weerrarada Argagixiso.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar waxaa sidoo kale lagu xusay in dawladda walaalaha ah ee Qatar ay tacsi u dirayso dhammaan qoysaska dhibanayaasha, DFS iyo Ummadda Soomaaliyeed iyadoo dadka ku dhaawacmay qaraxaasi loo rajeeyey soo-kabsasho degdeg ah iyo Caafimaad buuxa.

Qaraxii shalay ka dhacay Caasimadda oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliye Farxaan Maxamuud Qaroole, balse uu ka badbaaday Taliyaha, hayeeshee uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here