Ammaanka magaalada Jowhar oo la adkeeyay

0
142

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in dhawaan ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle.

Ciidanka booliska ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wada xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ka dib markii dhawaan lagu dhaawacay qarax bamboo ah xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Maalinta berri ayaa  lagu waddaa in hadal jeedinta Musharaxiinta ay ka bilaabato magaalada Jowhar, halkaasi oo ay ka socotay diwaangalinta musharaxiinta maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay in laamaha Amniga uu ku amray xaqiijinta ammaanka inta ay socoto doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here