Madaxweyne Deni “Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda”

0
206

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga digay guud ahaan laamaha Amniga ee ka howlgala degaanada Puntland iyo sidoo kale qeybaha kale ee dalkaba in ay ka digtoonaadaan in ay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda.

Waxaa uu sheegay in laamaha Amniga laga doonaayo in ay qeyb ka noqdaan xaqiijinta goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka balse aysan u kala safan Karin dadka Musharaxiinta ah ee doonaya kuraasta labada Aqal.

Deni ayaa soo jeediyay in dalka uu gali karo xaalad halis ah haddii laamaha Amniga ay faragaliyaan arrimaha siyaasadda ayna meesha ka baxayso kaalintii dhexdhexaadnimada iyo ciidamada.

“Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” Hadalkan ayuu ka sheegay madaxweynaha munaasibad uu ku dalacsiiyey ciidamadii ka shaqeeyey nabadgelyada gobolka Mudug.

Horaya aya qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay ugu eedeeyeen ciidanka dowladda Soomaaliya in ay faragalin ay ku sameeyeen arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayna la safteen Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here