Prof Cabdi Wahaab Sheekh Cabdisamad oo lagu af-duubtay Magaalada Nairobi

0
213

Qoyska Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamed oo la hadlay qaar ka mid warbaahinta Kenya ayaa sheegay in ay la’yihiin oo ay raadinayaan halka uu ku sugan yahay, ka diib markii laga qafaashay bartamaha Nairobi.

Dr. Cabdiwahaab wuxuu ahaa falanqeeye ka faallooda arrimaha Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Wuxuuna ahaa bare jaamacadeed.

Cabdiwahaab ayaa lagu soo warramayaa in dad aan la garanayn ay ku riteen gaadhi, xillki uu marayay waddada Turbman ee ku xigta City Market, ee Bartamaha Caasimadda Kenya. Gaarigaas ayaa si xawaare ah u dhaqaaqay markii ay raggii watay ay gudaha ku riteen Dr. Cabdiwahaab.

Qoyskiisa ayaa sheegay in ay aad ugu walaacsan yihiin, Mudane Cabdiwahaab oo ah aqoonyahan cilmi durugsan u leh arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Wararka waxay sheegayaan in ay “afduubteen” rag dhar-cad ah oo afar qof ahaa iyo dareewalkii gaariga u waday raggaas.

“Waxaan tagnay Saldhigga Dhexe ee Booliiska, annaga iyo askarta waxaan tagnay goobta laga qaaday, illaa iyo hadda wax war ah kama hayno halka la geeyay,” ayay walaashiis u sheegtay TV-ga Citizen.Xaaskiisa, Xaliimo Maxamed ayaa Cabdiwahaab ku tilmaantay nin aan lahayn cadow la yaqaan oo raadsanayay, kuwaas oo si uun xidhiidh ula yeelan lahaaa waayitaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here