Ciidanka dowladda oo howlgal ka sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

0
45

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka,ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay ,deegaano ka kala tirsan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Gamboole ,ceeldheere macalin ,jameeco jiliyaale,Masiirey,Boqon Gandhi, oo ka wada tirsan gobolka Shabeelada dhexe, Waxaana saraakiisha hor kacaysa kumaandooska Danab ay sheegeen in ay ku guuleysteen howl galkii ay ka sameeyeen degaanadaasi.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka marki ay gacanta ku dhigeen deegaanadaasi,waxaa ay baaritaano ku sameeyeen guryaha ,gaadiidka iyo wadooyinka si looga amniga.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen gobalada Shabeelooyinka ayay ku guulaysteen Ciidanka Xooggu, waxaana mararka qaar ka dhaca degaanadaasi iska hor imaadyo khasaaro gaysta oo u dhexeeya labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here