Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay RW Rooble

0
34

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ee loo xilsaaray doorashooyinka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa Warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Xubnaha Guddiga sida ay ku wadaan howlaha doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay inay dardar geliyaan doorashooyinka dhiman ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo loo xilsaaray qabsoomida doorashooyinka dalka ayaa sheegtay inay qaban doonto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here