Maamulka Hir-Shabeelle oo dib u heshiisiin ka wado beelo dagaalamay

0
40

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdikariin Cali Nuur oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan  ayaa gaaray Degaanka Kabxanley ee Gobolka Hiiraan.

Degaanka Kabxanley ayaa dhawaan dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed, walow markii dambe lagu guuleystay joojinta dagaalka.

Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradda Dib u heshiisinta Qaadi doonta Dadaalka Heshiisiinta beelaha Walaalaha ah,  is lamarkaan Maalmaha soo aadan shirar dib u heshiisiin ah loo qaban doona labada beelood.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dhankiisa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay joojinta dagaalkii ka dhacay kabxanley, wuxuuna dhankiisa sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu gogol dib u heshiisiin ah u dhigi doono beelihii dagaalamay.

Degaanka Kabxanley ee Gobolka Hiiraan waxaa kusoo laab laabtay Colaad Beeleedyada, waxaana Maamulka Hir-Shabeelle uu wadaa dadaalo uu uga hortagayo dagaaladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here