Agaasimaha Jubbaland TV oo kulan la qaatay Hoggaaminta Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Jubbaland

0
163

Agaasimaha Muuq-baahiyaha Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Mustaf Maxamed ayaa kulan casho sharaf ah caawa u sameeyay xubnaha cusub ee ururka Suxufiyiinta Jubbaland ee dhawaan la doortay, Guddigii qaban qaabada shirweynihii lagu dhisay ururka Suxufiyiinta Jubbaland ee JaJ iyo Guddigii hirgalinta doorashooyinka.

Intii kulanku socday waxa laga hadlay sida ay muhiimka u tahay ka shaqaynta sidii loo tayayn lahaa Saxaafadda Jubbaland.

“Waxaan kulan ammaan iyo bogaadin isugu jira la yeeshay xubnaha ururka suxufiyiinta Jubbaland ee dhawaan la doortay, Guddigii doorashada ee hirgaliyay doorashadii dhacday, iyo Guddigii isku howlay hirgalinta howsha qabsoomideeda” ayuu yiri Agaasime Mustaf.

Ururka Suxufiyiinta Jubbaland ayaa dabayaaqada todobaadkii hore la doortay hoggaamintiisa oo ka kooban shan xubnoo oo kala ah Guddoomiye, Labo guddoomiye ku xigeen, Xoghaye Guud iyo Madaxa Maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here