Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland oo dardar galinaysa Canshuur qaadista

0
243

Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa horaantii Bishii Sagaalaad ee Sanadkan Degmada Kismaayo ka bilaabay qaadista Canshuur sanadeedka 2021-ka ee Guryaha.

Shaqaale ka kala socday waaxaha canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa howshan ka bilaabay magaalada kismaayo waxaana xusid mudan in sanadkan uu si wayn uga badalnaa sanidihii hore mar loo eego qaabka loo qaadayay Canshuurta.

Dadka inta badan waxa ay su,aal ka keenayeen waxa lagu qaban doono canshuuraha laga qaado bulshada balse ma dareensana culaysyada kala duwan ee saran Dowladda iyo sida loo baahan yahay in wax loogu fududeeyo Dowladda si hormar balaaran loo gaaro.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Xil. Xuseen Xirsi Axmed oo ay weheliyaan Gudoomiye kuxigeenka Degmada Kismaayo iyo qaar kamida gudoomiyaasha xaafadaha Degmada ayaa saaka kormeer iyo booqasho ku tagay dhawr goobood oo loo gartay in canshuurtii dadweynaha laga qaaday qaar kamid ah lagu caawiyo.

Dadka mas’uuliyiinta ay u tageen islamarkaana ay caawiyeen waxaa kamid ahaa xaafado ay ku sugan yihiin dad xanuunsan oo garab istaag u baahan xarumo waxbarasho oo ka jiraan duruufo adag loona baahan yahay in wax laga qabto dib u habayna lagu sameeyo iyo goobo ay dowladda dhisi doonto horayna u ahaa goob ay biyaha roobka iyo wasaqda kale fariistaan.

Dadkii maanta ay dowladdu garab istaagga u Muujisay oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay kuna farxay talaabada ay Wasaaradda maaliyadda iyo Dowladda Hoose qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here