Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Jubbaland oo ka qayb galay shirka Shidaalka ee Qaaradda Afrika

0
398

Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), ayaa Magaalada Dubai ee dalka iskutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgalay shirka asbuuca Saliidda (Shidaalka) ee Qaaradda Afrika oo ay Martigalisay Dowladda Imaraadku.

Shirkaan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa arrimaha la xariira maalgashiga Shidaalka iyo Macdanta kala duwan ee ay hodanka ku tahay qaaradda Afrika, Waxaana ka qeybgalaya 45 wasiir oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo shirkado badan oo daneeya shidaalkaAfrika.

Shirka ayaa socon doona inta u dhaxaysa 8-11 bishan November 2021, Waxaana inta uu shirku socdo laga hadli doona saliidda iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah ee ay qaaraddu hodanka kutahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here