Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in uu ka furmo Muqdisho

0
548

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho, Waxana shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka qaybgali doonaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxa horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Waxaana balantu ahayd in uu furmo 27-kii Bishii la soo dhaafay ee December balse uu dib u dhacay, waxaana shirka oo maanta lagu wado inuu furmo looga hadli doonaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka iyo Sixitaanka habraaca doorashooyinka iyo in waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shirka inta uu socdo ka doodi doono caqabadaha haysta doorashooyinka iyo sidii loo dar-dargalin lahaa arrimaha doorashooyinka oo la dhaafay xiligii horay Golaha ay ku hishiiyeen in lagu soo gaba gabeeyo doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here