Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo caawa Hawlgallo ka wada Xaafadaha Magaalada Kismaayo

0
276

“Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska Jubbaland ayaa caawa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna baaritaan xooggan ku sameynayaan guryaha iyo gaadiidka dadweynaha.

Howlgaladan ayaa sii socon doona si looga hortago khataraha argagixisada iyo waxkasta oo amniga lid ku ah.

Wararka lagu marin habaabinayo bulshada loogana been sheegayo howlgalada amni ee caawa ka socda magaalada Kismaayo waa waxbo kama jiraan aan sal iyo raad laheyn.

Waxaan bulshada Jubbaland ugu baaqeynaa inaysan ku kadsoomin wararka lagu xagal daacinayo amniga, si hufanna ula shaqeeyaan ciidanka amniga”, ayaa lagu yidhi qoraalkan uu Goordhaw soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here