Madaxwaynaha JL oo dib ugu soo laabtay Kismaayo

0
517

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo maalmahii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay magaalada muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa muqdisho kaga soo qeyb galay shirka madasha wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo laga soo saaray go’aanno cusub oo lagu sii dhaqaajinayo doorashooyinka golaha shacabka ee qeybo kamid ah dalka ka bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here