Dowlad Goboleedyada dalka oo billaabay dedejinta doorashada

0
494

Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billaabay dedejinta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, ayaga oo shaaciyey kuraas badan oo ay doorashadoodu qaban doonaan dhowaan.

Puntland ayaa maanta ku dhowaaqay qabashada doorashada 10 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka 10-ka maalmood ee soo socda.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in shan ka mid ah kuraasta doorashadooda la qaban doono 22-ka Janaayo 2022, halka shan kale la qaban doono 25-ka Janaayo. Waa kuraastii ugu horreysay ee Golaha Shacabka oo doorashadooda lagu qabanayo Puntland.

Sidoo kale, guddiga doorashada HirShabeelle ayaa soo saraay liiska 11 kursi oo doorashadoodu ay ku qaban doonaan magaalada Jowhar. 11-ka kursi ayaa ka mid ah 13 kursi oo la qorsheeyey in doorashadoodu ay ka dhacdo Jowhar.

HirShabeelle weli ma shaacin jadwalka doorashada kuraastan.

Maalin kahor ayey aheyd markii guddiga doorashada Galmudug uu isna soo saaray liiska 21 kursi oo doorashadoodu la qabanayo dhowaan.

Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa shirkii ay Muqdisho kusoo geba-gebeeyeen 9-kii Janaayo waxay isku raaceen in doorashada Golaha Shacabka lasoo geba-gebeeyo kahor 25-ka bisha Febraayo 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here