
Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Saraakiisha hoggaamineysa howgalka ayaa sheegay in howgalka ay si gaar ah uga sameeyeen Deegaanno ku teedsan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha ayaa sheegay in ay sii wadayaan howgalka inta gacanta lagu dhigayo deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland.