
Dowladda Soomaaliya ayaa gargaarkii ugu horreeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab.
iyada oo la fulinayo amarkii Ra’iisal wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ee shalay oo ahaa in gargaar dag dag ah lala gaaro deegaanada laga saaray Al-shabaab, ayaa hey’adda Maareynta Musiibooyinka waxaa ay gargaar raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde.
Gargaarkan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah.