
Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen Khawaarijta al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaaro hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanku.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in ururka al-Shabaab laga xoreeyey illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo ciidamada kumaandoosta ah, ee ay tababartay dawladda Maraykanku.