
Madaxweynah Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka iyadoo wafdi Madaxweynaha ay kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee Jubbaland.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka madasha wadatashiga oo diirada lagu saarayo arrimaha amniga dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed iyo heerarka kala duwan ee Dowlada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi lahayeen isku tashi amni si xal looga gaaro dhibaatada amniga Soomaaliya.