
Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ayaa furtay tartan ciyaareed u dhaxeeeya kooxaha ka dhisan deegaanada dhaca Jiinka Webiga Jubba ee waqooyiga magaalada kismaayo.
Tartankan oo ay kasoo qayb galeen badi kooxaha ka dhisan deegaanada Gosha ayaa waxaa lagu daahfuray deegaanada Goobweyn iyo Wirkooy, Waxaana ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan ay guushu ku raacday deegaanka Goobweyn.
Guddoomiyaha deegaanka Goobweyn oo tartankan martigeliyey Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa u mahadceliyey Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland.
Agaasime waaxeedka Ciyaaraha ee Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland Saacid Cali Maxamed oo tartanka daahfuray ayaa ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay is dhexgalka dhalinyarada.
Ciyaaruhu waa bar bilowga nabadda waxayna kaalin muhiim ah ka qaataan is dhexgalka dhalinyarada.