
Xukuumadda Hindiya ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay in dalkaas laga mamnuucay dhaqdhaqaaqa People’s Front of India (PFI) iyo Ururrada Islaamiga ah ee xiriirka la leh.
Arintaan ayaa timid kadib markii Xukuumadda horraantii bishan ay xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan Ururada Islaamiga ah ee ka dhisan Hindiya, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahayeen rabshado iyo falal Amni darro oo ka dhacay gobalada dalkaas.