
Magaalada Baladweyne ayaa xalay waxaa lagu soo rogay Bandow soconaya muddo 24 saacadood ah ka dib qaraxyadii lagu hoobtay ee maanta ka dhacay.
Taliyaha ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan labo Xidigle Bashiir Xuseen Jimcaalle ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah iney guryahooda joogaan, maadama laga cabsi qabo weeraro kale oo qaraxyo ah oo ku jira gudaha magaalada Baledweyne.
Waxaa uu xusay in ciidanka ay sameynayaan howlgalo ku aadan xaqiijinta amaanka magaalada.