
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) oo maalmihii u danbeeyay xanuunsanaa isla markaana uu horey Guddoomiyaha u booqday.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lacag dhan $10 kun oo Dollar ku wareejiyay Dr. Cabdiraxman Xasan Cawaale (Xabeeb) oo xanuunsanaya.
“Dr. Cabdiraxman Xasan Cawaale (Xabeeb) oo aan horey ugu balan qaaday inaan ku garab istaagi doono sidii uu u heli lahaa daryeel Caafimaad oo dhameestiran ayaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay si aan ugu wareejiyo qidmad lacageed oo gaareysa 10-kun oo Dollar si ay kaalma Caafiimad ugu noqoto Dr-ka” ayuu yiri Madaale