
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magalada Vienna kula kulmay dhigiisa dalka Austria Mudane Wolfgang Sobotka.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay mataaneynta labada baarlamaan ee Austria iyo Soomaaliya, iyadoo labada guddoon ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii shaqaalaha iyo xildhibaannadda Golaha Shacabka ay u heli lahaayeen aqoon kororsi.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Dowladda Austria uga mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in dalka ay ka jirto abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka, degaanka iyo xoolaha, islamarkaana dowladda dagaal kula jirto argigixisada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Golaha Qaranka Baarlamaanka Austria, Mudane Wolfgang Sobotka, ayaa dhankiisa ballan qaaday Dowladda Austria diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dagaalka lagula jiro argigixisada Al Shabaab iyo sidii kaalmo uga geeysan lahaayeen dadka ku waxyeeloobay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Aadan Madoobe, ayaa gabagabada kulanka sheegay in dagaalada lagula jiro argagixisada Al Shabaab ay guulo waaweyn ka gaartay Dowladda Soomaaliya islamarkaana loo baahan yahay in si buuxda loo tageero dadka degaanka is abaabulay si guud ahaan dalka looga xorreeyo argigixisada Al-Shabaab.





