
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay muddo 15 cisho ah oo uu ku kala bixinaayay qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaana qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan.