
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Nugaal iyo hal-abuurka dhallinyarada, oo socon doona muddo labo maalmood ah.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Buugaagta lagu soo bandhigay Kulanka, wuxuuna muujiyay sida Dowladda ay muhiimad gaar ah u siinayo Afka, dhaqanka, Qoraalka iyo Akhriska. Isagoo ku dhawaaqay in Dowladdu ay sameynayso guddi qora sooyaalka taariikhda Puntland iyo marxaladihii kala duwanaa ee lasoo maray.
Bandhigga Buugaagta ee Nugaal, ayaa waxaa kasoo qeybgalay qorayaal iyo abwaano Isaga kal yimi Gobollada kala duwan ee Soomaaliya, waxaana inta uu socdo halkaasi lagu soo bandhigaya Buugaag kala duwan iyo sheekooyinka ku duugan.







