
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadweyne kala duwan.
Madaxweynaha ayaa ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo qodobada kasoo bixi doona shirkan inay wax badan kusoo kordhin doonan shaqooyinka muhiimka ah ee socda isla markana go’aamo wax ku ool ah lagu gaari doono.