
Waxaa goor hore oo saaka ah maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi oo bishii May ee 2017 dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.
Bishii May 2017,ayaa maxkamaddu ku ridday xukunka toogashada saaka ayaana lagu fuliyay.
Maxamuud Siraaji oo ah marxuumka walaalkii ayaa soo dhaweeyay dilka lagu fuliyay Axmed Cabdullahi Cabdi. “Cadaaladda ayaa ugu dambeyntii guuleysatay” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.
Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkii 2017-kii u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.
Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray