
Rishi Sunak ayaa maanta noqday ra’iisul wasaarihii saddexaad ee Britain ay yeleato sanad gudihiis iyo qofkii ugu horreeyey ee aan caddaan aheyn ee xilkaas qabta.
Sunak ayaa waxaa si rasmi ah u magacaabay Boqor Charles III.
Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa wacad ku maray inuu wax ka beddeli doono hanaanka maaliyadda ee horseeday in xukunkii ra’iisul wasaare Liz Truss uu ku ekaado kaliya 49 maalmood.
Isaga oo ka hadlayey banaanka xafiiska 10 Downing Street ayaa ra’iisul wasaaraha cusub wuxuu ballan-qaaday inuu saxo khaladaadkii ay sameysay Truss, isaga oo ka digay go’aano “adag” oo soo socda.
“Xilligan, dalkeena wuxuu wajahayaa xasarad dhaqaale oo qoto dheer, natiijadii ka dhalatay COVID-19 ayaa weli taagan. Dagaalka Putin ee Ukraine ayaa qalqal geliyey suuqyada tamarta iyo socodkii sahayda dunida,” ayuu yiri.
Wuxuu ammaanay Truss oo xukunkeeda uu kue kaaday kaliya toddoba toddobaad.
“Kuma aysan khaldaneyn inay dooneysay inay horumariso kobaca dalkan. Waa ujeedo wanaagsan, waana la dhacsanahay isku daygeedii aan daalka laheyn ee ay ku sameyneysay isbeddel balse khaladaad ayaa dhacay, kumana iman damac xun, hase yeeshee khaladaad ayey ahaayeen,” ayuu yiri.
“Waxaa la iigu doortay inaan xisbigeyga hoggaamiyo — iyo ra’iisul wasaarihiina — qeyb ahaan inaan saxo, shaqaduna deg deg ayey u billaabaneysa.”
Isaga oo ka hadlayey dagaalka Ukraine, wuxuu wacad ku maray inuu Ukraine ka taageeri doono inay iska caabiso duulaanka Ruushka.
“Waa dagaal aad u xun oo ay tahay in si guul leh lagu soo geba-gebeeyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain.
Sunak ayaa ah maal-qabeen Hindu ah oo waalidkiis ay kasoo jeedaan India iyo Bariga Afrika. Waa qofkii ugu horreeyey ee aan caddaan aheyn ee Britain ra’iisul wasaare ka noqda.