
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafti uu hogaaminaayo oo uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxman Cabdi Axmed iyo Masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Somaaliya oo ka qayb galay shirka Caalamiga ah ee ay isugu yimaadeen wadamada Bariga iyo Geeska Afrika oo ay qabatay Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta wajigiisi 1aad soo gabagaboobay.
Shirkan ayaa maanta iyo shalay looga hadlayay arimaha Cadaaladda, Khilaafaadka dhulka iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha ee wadamada Geeska iyo Bariga Afrika.
Waxaa kale oo dhinac socday kulamo gaar gaar ah oo Madaxweyne ku-xigeenka koowaad iyo Wasiirka aay la yeelanayeen Gudoomiyayaasha Maxkamadaha sare ee Dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Madaxda Hay’addaha Caalamiga ah ee inaga caawiya dhinaca ku dhaqanka sharciga iyo horumarinta cadaaladda.
Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xiray Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Uganda Madam Jessica Alupo.