
Xulka kubadda cagta 17 jirrada ee dalkeenna Somalia ayaa 1-0 kaga adkaaday dhigooda Ethiopia ciyaaraha isreebreebka Bariga iyo bartamaha Afrika.
Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Abebe Bikila Stadium ee magaalada Addis ababa ayaa aheyd mid aad u xiise badneyd iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleystay
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray xulka Somalia.
Wasiirka oo khadka Telefoonka kula hadlay xulka, maamulka iyo macalimiinta ayaa ku amaanay guusha ay usoo hooyeen ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, kale Wasiirka ayaa u mahad-celiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo iska lahaa abaabulka, farsamada iyo diyaarinta kooxdan sida wanaagsan u diyaarsan.

