
Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa waxaa ka furmay shirka heerka caalami ee todobaadka saliidda Africa kaas oo looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Africa.
Shirka ayaa waxaa Soomaaliya ku metelayaa Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamad, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Jubbaland Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed iyo wasiiru dowlaha macdanta Hirshabelle.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya ilaa 30 wasiir oo ka kala socda dalalka Africa iyo 500 qof oo ah madaxda shirkadaha soo saaro shidaalka iyo 1,800 ka qaybgalayaal oo ka kala socda waddamo ka badan 80.
Shirka ayaa looga hadlayaa sida Africa ay isugu filnaan karto dhinaca tamarta iyo sidii aan ku soo jiidan laheyn maalgashadayaal kheyraadka dalkeenna ku jira.
Shirkan oo socon doono maalmaha soo socda ayaa ah madal ay ku kulmaan maalgashadayaasha caalamiga, shirkadaha soo saara batroolka iyo madaxda dalalka lagu tuhmayo khayraadka dabiiciga ah ee Africa, sida Soomaaliya.