
Cristiano Ronaldo ayaa baraha bulshada jawaab uga bixiyay ciqaabtii uu kala kulmay Manchester United ee kooxda looga saaray iyadoo la xaqiijiyay inuusan qeyb ka noqon doonin kulanka Chelsea ee todobaadka soo socda.
Xiddiga reer Portugal ayaa la ciqaabay ka dib markii uu si carro leh qolka labiska u aaday ka inta aysan dhamaanin kulankii ay ka badiyeen Tottenham habeenkii Arbacada.
Ciyaarta ka dib waxaa soo baxay warar sheegaya in Ronaldo uu diiday inuu bedel ku soo galo ciyaartii Tottenham, waxayna taasi sii xumeysay xiriirkii uu la lahaa tababare Erik ten Hag iyo shaqaalaha tababarka.
Si kastaba, 37 jirkaan ayaa baraha bulshada uga jawaabay ciqaabta la duldhigay iyo falkii uu ku kacay isagoo sheegay inuu u la dhaqmo xiddigaha ku kooxda, kuwa ka soo horjeeda iyo tababarayaasha si ixtiraam leh laakiin carro darteed inay ka keentay falkii uu ku kacay habeenkii Arbacada.
Weerarka si toos ah tixraac uguma sameynin go’aanka looga saaray kooxda Manchester United ee kulanka Chelsea.
“Sidii aan mar walba sameyn jiray waayaheyga ciyaareed oo dhan, waxaan ixtiraam kula dhaqmaa xiddigaha ugu kooxda ah, kuwa iga soo horjeeda iyo tababarayaasheyda.” ayuu qoray Ronaldo.
“Taasi waxba iskama bedelin. Anigana ma isma bedelin. Waxaan weli ahay isla qofkaas, waxaan weli ahay xirfadlihii garoonka ku soo jiray 20kii sannadood ee ugu danbeysay. Go’aan walba oo aan qaadanayo waxaan ku saleeyaa ixtiraam oo muhiim ah.
“Anigoo da’ yar ayaan sidaas bilaabay, waxaan mar walba tusaale ii ahaan jiray xiddigaha iga waa weyn ee iga waayo aragsan. Sidaasi darteed waxaan haatan isku dayaa inaan tusaale u noqdo da’ yarta kooxihii aan soo matalay oo dhan. Nasiib darro inaan tusaale fiican noqdo mar walba ma suurtogaleyso, mararka qaar carrada ayaa iga xoog badisa.
“Haatan waxaan dareemayaa inaan si adag ugu sii shaqeeyo Carrington, inaan taageero asxaabteyda kooxda iyo inaan diyaar u noqdo kulan walba. Inuu cadaadis iga adkaado ma ahan xal. Marnaba taasi wado ii furan ma aheyn. Kooxdani waa Manchester United, waana inaan si wadajir ah u istagno. Dhawaan ayaan wadajir noqon doonaa mar kale.”
Lama oga ilaa iyo inta uu Ronaldo ka maqnaanayo kooxda iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in United ay diyaar u tahay inay iska fasaxdo.