
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Goleyaasha Jubbaland oo Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu horkacayo, Xubno ka tirsan bahda Sports-ka Jubbaland iyo xiriirrada kubadda cagta Jubbaland.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa Kismaayo u yimid si uu soo xiro tartanka xaafadaha Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaada oo todobaadyadii la soo dhaafay halkaas ka socday.