
Weerarkii kooxda argagixisada nafla caariga ah ee Al Shabaab ay shalay ku qaadeen Hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Tani waxay muujineysaa sida ay agagixisada arxanka daran ay duulaanka ugu yihiin horumarka bulshada iyagoo beegsanaya ganacsiga iyo dadka birmageydada ah ee aan waxba galabsan.
Waxaana ay arrintan keentay in shacabka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan dhagarta khawaarijta iyadoo shacabka ku nool magaalada Kismaayo ay shalay dhulka ku jiideen meydadka dhagar qabeyaashii weerarka fuleynimada ah geystay.
Shacabka oo u adkeysan waayey dhagarta kooxda Al shabaab ayaa hadda safka hore kaga jira dagaalka lagu ciribtirayo kooxda bannaysatay dhiigga umadda Soomaaliyeed.
Sawirada idiin muuqda waa kuwo shidaal kusoo shubaya dagaalka kooxdaan waxayna marag ka yihiin cadowtinimada ay kooxdaan u hayaan dadka Soomaaliyeed.