
Ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Howgaladan ayaa ujeedkoodu uu yahay sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada magaalooyinka Jubbaland, loogana hortagi lahaa dhagarta kooxaha khawaarijta ah.
Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa shacabka faray in ay si dhow ula shaqeeyaan islamarkaana ay lasoo wadaagaan hadii ay arkaan xogaha falalka amni darada ah ee ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah ee diidan nabadda iyo horumarka dalka.