
Dowladda hoose ee Degmada Kismaayo ayaa dayactir iyo hagaajin ku sameysay waddo halbowle u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka taas oo ku taalo xaafadda Farjano gaar ahaan waaxda Laba-suul ee magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sidoo kale boqday waddooyin ay hore u deegaamaysten dad shacab ah balse Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo oo ka duulayso sidii ay magaaladu u heli laheyd wadooyin waafi ah ayaa burburisay guryhaas, Gudoomiyaha ayaana u mahadceliyay dadka deegaanka ee sida wanagsan u qaatay amarka Dowladda Hoose.
Gudoomiye Cumar Faraweyne oo kormeerkiisa sii wata ayaa booqday goob ay burburisay Dowladda Hoose taas oo caqabad ku ahad meel ka mid meelaha uu marayo laamiga la rabo in laga hirgaliyo magaalada Kismaayo.