
Madaxweyne Ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta daah-furay Ololaha 16-ka Maalmood ee Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Ururada haweenka gobolka Jubbada hoose iyo degmada Kismaayo, qaar ka mid ah isimada dhaqanka Jubbaland iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi oo munaasabadda ka hadashay ayaa tilmaantay qiimaha ay haweenka Soomaaliyeed ku dhex leeyihiin bulshada iyo in ay waajib tahay in la ilaaliyo sharaftooda.
Madaxweyne Ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa boggaadiyay Wasaarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland oo kulanka soo qaban qaabisay, wuxuuna kula dar-daarmay inay xoojiyaan dedaalada ay kaga hortagayaan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, isaga oo xusay sida ay uga go’an tahay ka dowlad ahaan sidii loo dabar jari lahaa ficilada guracan.



