
Waxaa maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 20/11/2022, magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar si rasmi ah uga furmi doona Koobka Adduunka oo afartii sano hal mar la qabto.
32-dal oo ka kala socda caalamka ayaa ka qeyb galaya Koobkan, waxaana ciyaarta ugu horeysa oo ka dhaceysa garoonka Al-Bayd ee magaalada Al-Qowf lagu daah-furi doonaa Xulalka Qadar iyo Ecuador.
Dowladda Qadar ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn ugu diyaar-garooweysay qabashada Koobka Adduunka ee 2022, waxaana dalkaas gaaray dad ka badan Labo Milyan oo ruux si ay u daawadaan ciyaarahan xiisaha gaarka ah leh.