
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta Macallinka Soomaliyeed oo ku beegan 21-ka November.
Munaasabadan oo ay soo agaasintay Waasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Jubbaland ayaa waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Agaasimeyaal, Maamulka Xarumaha Waxbarashada, Macalimiin, Arday, Saraakiil ciidan, qaybaha kala duwan ee Ururada bulshada rayidka ah iyo Fannaaniin madasha kusoo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha macallimiinta Soomaaliyeed.
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa u hambalyeeyey Macallimiinta Soomaaliyeed oo ku soo shaqeeyey duruufihii adkaa ee dalku soo maray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed.
