
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaannada Wargaadhi, Geedi xeer, Xasan geedi, Qaahira, Maxaa saciid iyo Nuur dugle oo dhowaan laga xureeyay kooxda khawaarijta ah ee alshabaab.
Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegannada laga xureeyay khawaarijta oo ay ka muuqdeen raadadka gumeysigii ay ku hayeen bulshada deegaannada.
Masaxweyanaha ayaa tilmaamay in khawaarijta alshabaab ay ka carareen dhamaan deegaanadaan oo ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, isagoo xusay in dhamaan deegaannada laga xureeyay ayna ka jirin wax horumar ah, Ciidamadana ay kaabiga ku hayaan deegaanka Guulane oo hoostaga degmada aadan yabaal.