
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’adda Milestone ee maamulka iyo maareenta arrimaha dhulka Jubbaland.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa qaar kamida Golaha Wasiirada Jubbaland, Maamulka Gobolka Jubbada hoose iyo kan degmada Kismaayo, Masuuliyiinta Garsoorka, Xeer ilaalinta iyo madax kale.
Qodobka ugu muhiimsan ee laga hadlayay waxa uu ahaa sidii dib u eegis loogu sameen lahaa arrimaha dhulalka iyo xal u hellidda khilaafaadyada kasoo laalaabta dhulka.