
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuyd Sayid Aaden oo safar shaqo ugu maqnaa dalalka Uganda iyo Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.
Madaxweyne ku-xigeenka oo uu safarka ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa magaalada Kampala uga qayb galay Shir caalami ah oo ay isugu yimaadeen wadamada bariga iyo geeska Africa, Shirkaas oo ay qabatay Urur goboleedka IGAD, Sidoo kale waxa ay kulamo kala duwan kula qaateen magaalooyinka Nairobi iyo Kampala Safiiro iyo masuuliyiin kala duwan oo heer caalami ah.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiiro, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Dowlad goboleedka Jubbaland, Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin kale.