
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Xildhibaano, Wasiiro iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii bishii aynu soo dhaafnay ee magaaladda Baledweyne ayaa ballanqaaday in Khawaarijta Al Shabaab dalka laga xorreyn doono.