
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray fariisimaha Ciidamada Soomaaliyeed ee Magaaladda Wisil ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Wisil, isagoo ku bogaadiyey sida geesinimada leh ee sanadihii la soo dhaafay ay u jabiyeen dhammaan weerarradii khawaarijta Al Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka iyo dadka ku dhaqan, waxa uuna tilmaamay in maanta halganku uu ku saleysan yahay xoreynta deegaannada kale ee argagixisadu ay ku dhibaateynayaan shacabka.
Madaxweynaha ayaa safaro ku maray deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, isaga oo boggaadiyay Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.