
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland ayaa maanta Hay’adda Qatar Charity kala wareegtay 4 xarrumood oo loogu tala galay inay u adeegaan hooyadda iyo dhallaanka, kuwaas oo laga hirgaliyey magaaladda Kismaayo iyo qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada.
Goobahan waxaa ka mid ah qayb lagu soo kordhiyey isbitaalka guud ee degmada Kismaayo, Xaafada dalxiiska iyo sidoo kale isbitaalka Goobweyn oo qayb dhalmada ah ay ka dhistay Hay’adda Qatar Charity.
Wasiirka Wasaarada Ca
afimaadka Jubaland, Maxamed Ibraahim Oogle ayaa u mahadceliyay haya’dda Qatar Charity.